Kheyre Oo Shaqaalaha C/fimaadka Xukuumadda Ku Ammaanay Sida Xakameynta Fidista Cudurka COVID-19

Date:

R/Wasaaraha Jamh.Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shaqaalaha caafimaadka Xukuumadda ku bogaadiyay dadaalka naf-hurnida leh ee ay ugu jiraan inay dadka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan cudurka COVID-19.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo caddeeyay in guud ahaan howl wadeennada caafimaadka dalku ay aqoontooda, waqtigooda iyo naftoodaba ku bixinayaan sidii loo badbaadin lahaa bulshada intiisa kale, ayaa Allah uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo howl-wadeeennada uu cudurku ku dhacay iyaga oo halista curudka ka badbaadinaya dadka Soomaaliyeed.

Xasan Cali Kheyre oo munaasabadda xuska maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1-da May ugu hambalyeeyay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dawladdu ay muhiimad gaar ah u siineyso xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarinta dalka.

R/Wasaare Kheyre ayaa shaqaalaha dawladda kula dardaarmay inay qaybta uga aadan ka qaataan horumarinta iyo dadaallada dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan inay qayb wayn ka qaataan dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...