G/Kuxigeen Tuulax Oo Kormeer Hubinta Amniga Ku Tagay Degmada Hilwaa+Sawirro

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax)  ayaa howla kormeer ah ku tagay xaafadaha kala duwan ee Degmada Hiliwaa oo xigta qeybta Bari ee Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan ayaa muhiimadiisu aheyd u kuurgalida xaalada amni ee Degmada ee sida ay ciidamada amniga heeganka ugu yihiin bad baadinta shacabka iyo la dagaalanka nabadiidka sidoo kale kormeerkan ayaa ahaa mid quseeya dhaqangalinta Bandowga ay Dowlada uga hortageyso faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Waxaana Kormeerka inta badan masuuliyiinta iyo saraakiishu sameynayeen uu ahaa mid socod ah si ay ula falgalaan xaalada rasmiga ah ee degmada Hiliwaa.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa warbaahinta uga warbixiyay muhiimada kormeerkani.

“Kormeerkaan waxaa mid aan ku kala bixin jirnay dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan u hubino xaaladaha Amniga iyo sida ay iskula falgalayaan shacabka iyo Ciidmada Amaanka iyo sidoo kale dhaqan gelinta Bandowga lagu xakeymayao Cudurkaan safmareenka ah ee Karoona Feryuska sidoo kale waxaa ku bixin doonaa dhammaan degmooyinka inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...