Degmada Hodan Oo Caawa Ku Guuleysatay Tartan Cilmiyeedka Una Gudubtay Wareegga 2-aad

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka.

Barnaamijkani oo laga dhageysto Radio Muqdisho habeen waliba waxaa caawa kulankiisa 3-aad oo ah wareegga 1-aad qorsheysnaa in ay ku tartamaan degmooyinka Shangaani Vs Hodan oo ka mid Gobalka Banaadir, balse cudur daar ay soo gudbiyeen tartamayaasha degmada Shangaani ayaa keentay in dhibcihii tartanka laga qaato.

Xubin ka mid ah guddiga tartanka ee degmada Shangaani oo fursad loo siiyay in uu la hadlo bulshada ayaa sheegay inaysan caawa tartan diyaar u ahayn, maadaama macalimiinta tartanka ka caawin lahayd aysan u soo xaadirin, waxaana ay go’aansadeen inay dhibcaha wareejiyaan oo ay dhigooda Hodan ugu hambalyeeyaan

C/laahu Muxudiin Codka oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in tartamayaasha degmada Shangaani ay caawa bixiyeen cudur daar oo ay diyaar u yihiin in ay dhibcaha wareejiyaan, waxaana uu intaa ku daray in sharciga tartanka uu dhigayo in degmadii cudur daar qabto ay soo gudbiyaan 24 saac kahor inaysan tartanka ka qeyb geli karin, si loo siiyo fursad, balse taasi ma dhicin.

“Tartankii caawa waxaa dhibcaha qaatay tartamayaasha degmada Hodan, maadaama dhigooda Shangaani ay cudur daar soo gudbiyeen, waxaana ku dhawaaqeynaa in tartamayaasa Hodan ay caawa u soo gudbeen wareegga labaad ee tartanka, maadaama ay si dhib la’aan ay ku heleen dhibcaha” ayuu yiri Cabdullaahi Muxudiin Codka oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka sagaalaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Jowhar Vs Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliye Sare ee rrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Isgaarsiinta oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan...

Ra’iisul Wasaare Xamse: “waxaa guuleystay qofkii dila ama ay dilaan khawaarijta”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Sudan u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...