Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo amartay in guryaha lagu dukado salaadaha cishaha iyo Taraawiixda+sawirro

Date:

Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartay amarro ku aadan sida bulshadu ay u oogayaan salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda,inta lagu guda jirow xiliyada Bandowga.

Wasiirka wasaaradaasi Sheekh Nuur Maxamed Xasan,wasiir ku-xigeenka Cismaan Aadan Dhuubow iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa kulan arrimahaasi looga hadlayay la yeeshey Culimaa’udiinka Soomaaliya,kulankaasi oo laga soo saaray amaro cusub.

Wasaaradda ayaa soo saartay amar ah in dadku salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda ay ku oogaan guryohooda,islamarkaana loo hoggaansamo awaamiirta dowladda ee bandowga habeenkii,si looga hortago fiditaanka cudurka Coronavirus.

“Waxaan culimada isla qaadanay in loo hoggansamo amarada bandowga ah oo ka bilaabanaya 7:00 fiidnimo kuna eg 5:00 subaxnimo,dadkuna ay guryohooda ku dukadaan inta bandowga uu jiro,waana uga mahadcelinayaan culimada aan go’aankaasi isla qaadanay,waxaan ka codsanaynaa ganacsatada in ay u turaan shacabka oo qiimaha miciishada hoos loo dhigo,waxaa la rabaa in dadka aan naftooda khatar gelinin,maadaama uu faafayo cudurka,hana la qaato talooyinka caafimaad ee dowladda ay soo saartay”. ayuu yiri wasiir Sheekh Nuur.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...