Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee warbaahinta Qaranka oo si rasmi ah u furmay“SAWIRRO

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkii todobaad oo xiriir ah ay  barnaamijka taaba galineyso maamulka gobolka Banaadir.
Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.
Agaasimaha Telefishinka Qaranka Faarax Salaad Dhahaar ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb galka kulanka lagu daah furayo tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaana uu intaa ku daray in tartanka uu sanadkan ku soo beegmay xilli adduunka iyo dalka uu ka jiro cudurka safmarka ah oo COVID-19.
“Si kasta oo ay daruufo u jirto waxaan go’aansanay in aan qabano tartanka si ay uga faa’iideystaan ardayda, tartamayaasha kaalimaha ka gala tartanka sida ay caadadu ahayd waxa ay heli doonaan abaal marino” ayuu yiri Agaasimaha Telefishinka Qaranka Faarax Salaad Dharaar.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka u diray hambalyo ku aadan bisha Ramadaan,
“Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay Ramadan Mubaarak, Kheyrka bisha Ramadan Alle hana siiyo, anaga sida aad la soocotaan in uu dunida iyo Dalkaba ka jiro cudur safmar  ah, loona baahanyahay in la raaco talooyinka dhaqaatiirta si looga hortago faafidda cudurka halista badan ee Coronavirus, waxaan markasta ka hormarineynaa shaqo kasta oo la qabanayo caafimaadka bulshada, waxaana ku guubaabinayaa in wax waliba ay ka hormariyaan caafimaadka”. Ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo xaaladda adag ee lagu jiro waxa uu hoosta ka xariiqay in waxkasta laga hormariyo caafimaadka qofka, isagoo bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag.
“Sida la sheegay tartan cilmiyeedka waxa uu yahay dood cilmiyeed aad u qiima badan oo ay ardayda cilmi ku kala faa’iideystaan, runtii daraasadda halkaasi ka soo baxdo cilmi baaris ayaa la qaadan doonaa, caawa waxaa ku tartamaya degmooyinka Xamar Jajab iyo Wadajir oo labaduba ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaan u mahadcelinayaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo runtii u dhabar adeegay u adeegidda bulshadooda xilliyada adag, waxaana anigoo ka wakiil ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo howlo shaqo ku mushquulsan ku dhawaaqayaa in uu si rasmi ah noogu furanyahay tartanka”. Ayuu Wasiirka hadalkiisa ku daray.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Daxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka ugu baaqay inay raacaan tallooyinka caafimaadka oo ay dhab u qaataan cudurka COVID-19
Wasiirka ayaa yiri “Waxaan shacabka ka codsaneynaa inay taxadaraan xanuunka aad aragteen in uu adduunka ka qeylisiiyay, tirooyin badan ay dhimanayaan wadamada qaar, marka shacabka ha u qaateen si dhab ah, runtii dowladda dadaal badan ay ku bixineysaa ka hortagga cudurka, waxaana rabaa in la raaco tallooyinka caafimaadka”.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...