Tartamayaasha Degmada Wadajir oo caawa tartanka ka reebay tartamayaasha Xamar Jajab

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii koowaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Wadajir Vs Xamar Jajab oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Wadajir Vs Xamar Jajab  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag.

Wadajir

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, iyagoo iska qalday saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay Xamar Jabjab,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee gobolka Benaadir oo ah tartamayaasha sanadkan difaacanaya maadaama ay ku guuleysatay tartanka sanadkii hore ayaa waxaa dhankooda la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal  su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Wadajir, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Sida sharciga tartanka uu dhigayo mar haddii labada degmo ay isku dhibco noqdaan, waxaa tartanka lagu daraa su’aalo dheeraad ah si loo kala saaro labada degmo ee loolamaya, waxaana su’aalaha dheeriga ah lagu daray ku guuleystay tartamayaasha degmada Wadajir oo keensatay 14 dhibcood, kadib markii ay ka jawaabeen su’aashoodii la weydiiyay, ayna ka faa’iideysteen su’aal kale oo dheeraad ahayd.

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka labaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Beladweyne Vs Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...