Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii koowaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Wadajir Vs Xamar Jajab oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Wadajir Vs Xamar Jajabย ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag.
Wadajir
Tartamayaasha Degmada Wadajir ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeenย afarย suโaal, iyagoo iska qaldayย saddexย suโaal, waxa ay ka faaโiideysteenย halย suโaal oo soo hareermartay Xamar Jabjab,ย sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay toban (10) dhibcood.
Xamar Jajab
Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee gobolka Benaadir oo ah tartamayaasha sanadkan difaacanaya maadaama ay ku guuleysatay tartanka sanadkii hore ayaa waxaa dhankooda la weydiiyey todobo Suโaal, waxa ay ka jawaabeenย afarย suโaal, waxaana ay iska qaldeenย saddexย suโaal, waxa ay ka faaโiideysteenย halย suโaal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Wadajir, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotayย tobanย (10) dhibcood.
Sida sharciga tartanka uu dhigayo mar haddii labada degmo ay isku dhibco noqdaan, waxaa tartanka lagu daraa suโaalo dheeraad ah si loo kala saaro labada degmo ee loolamaya, waxaana suโaalaha dheeriga ah lagu daray ku guuleystay tartamayaasha degmada Wadajir oo keensatayย 14ย dhibcood, kadib markii ay ka jawaabeen suโaashoodii la weydiiyay, ayna ka faaโiideysteen suโaal kale oo dheeraad ahayd.
Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka labaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinkaย Beladweyneย Vsย Boondheereย oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir.