Kumaandooska Danab Oo La Wareegay Degaanno Ka tirsan Xeebta Gobalka Shabeellaha Hoose+ Sawirro.

Date:

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya Guutada 16-aad ee Danab ayaa Howlgal nabad diidka looga Saarayo dhulka xeebta ah saakay ka billaabay Degaannada Dhanaane, Gandershe iyo Jilib Marka ee Gobalka Shabellaha Hoose.

Kumaandooska Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Dhanaane ee Gobalka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Cismaaciil Cabdi Maalik oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in nabad diidka Al-shabaab saakay laga saaray Deegaanka Dhanaane ee Gobalka shabellaha Hoose.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik waxa uu sidoo kale Sheegay in Ciidamada Kumaandooska ay gaareen degaanada Gandarshe iyo Jilib marko halkaasi oo Al-shabaab ay isaga carareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...