Dowladda Oo Ganacsatada Ugu Baaqday Inay Safka Hore Ka Galaan Qorshaha Kahor Taggga COVID-19

Date:

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda ay uga qayb qaataan qorshaha xakameynta COVID-19, sidoo kale ay ku dadaalaan inaan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada aasaaska u ah nolosha bulshda iyo inay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga soo dhoofiyo.

Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxuu sheegay in xukuumaddu ay xooggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga, cunnada qaarna cashuur dhaaf iyo canshuur dhimis loogu sameeyay, sabab la xariirta in dadka nugul aysan dareemin saameynta ka dhalaneysa tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur, oo sheegtay in dib-u-dhis ballaaran lagu wado Isbitaal Banaadir, qaybta loogu tala galay la tacaallida COVID-19, ayaa u mahad celisay shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo bixineysa qarashaadka ku baxay dib-u-dhiska.

Maamullada Isbitaallada gaarka loo leeyahaya ayey wasiirku ugu baaqday inay bukaannada si wanaagsan u qaabilaan, baaritaan marsiiyaan iyaga oo taxadaraya, bukaankii ay ka shakiyaanna ay ku wareejiyaan qaybka ku shaqada leh la tacaallidda cudurka COVID-19, si looga baaqsado in qof Soomaaliyeed uu dhibaato usoo gaarto daryeel xumo.

Talo-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxamed Cali Fuje, ayaa bulshada kula darmaarmay inay qaataan tillaabooyinka caafimaad, si ay qayb uga noqdaan qorshaha xakameynta cudurka dilaaga ah “Walaalayaal COVID19 Hargab daran ma aha. Waa xanuun halis ah, Waa xanuun wata qandho daran, cune xanuun iyo in uu marka dambe qofku neefsan waayo oo sambabadu istaagaan, taas oo keeneysa geeri”, ayuu yiri Dr. Fuje

R/Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ayaa ku war geliyay in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...