Dalka Turkiga Oo Xayiraado Dheeri Ah Lagu Soo Rogay

Date:

Madaxweynaha Dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay talaabooyin cusub oo uu sheegay in looga hor tagayo faafitaanka Viruska Corona, sida ay qortay Anadoul oo ah wakaaladda wararka u faafisa Turkiga.

Wuxuu sheegay in 31 ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi Turkiga oo ay ku jirto magaalada Zonguldak laga joojiyay isu socodka gaadiidka rikaabka qaada iyadoo looga dan leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka Corona, arrintaas oo socon doonta muddo 15 maalmood ah, iyadoo ay suuragal tahay in la dheereeyo waqtiga xayiraadda haddii loo baahdo.

Tiradda dadka uu sameeyay xanuunkan Corona ee dalka Turkiga waxa lagu sheegay  20,921, tiradda dhimashada waa 425, halka tirada ka soo kabatay ay gaarayso 484.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...