Wasiirka caafimaadka dalka Ingiriiska oo laga helay xanuunka Coronavirus.

Date:

Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, cudurkaasi oo haataan laga daweynayo. Ms. Dorries, oo sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka laga mamaarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo dhawaan lix qof ay dalka Ingiriiska ugu dhinteen xanuunka, halka 382 oo ku nool Britain na uu haleelay xanuunkaas.

Qofkii ugu dambeeyay ee u dhinta xanuunka corona ayaa ahaa oday 80 sano jir ah oo markiisi horeba dhul yaal ahaa.

Dhanka kale hey’adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka.

Wasiirka waxaa kale oo ay sheegtay in hey’adda caafimaadka ee England ay haatan bilawday inay raadiyan dadkii ay la macaamiishay ama ay la kulantay iyo shaqaalihii ka shaqeynayay wasaaradda caafimaadka ee ay madaxda ka tahay.

Waxay intaa ku dartay inay ka walwalsan tahay hooyadeed oo 84 sano jir ah, haatanna qufaceyso, taas oo la maleynayo inay qaadsiisay xanuunka.

Ilaa iyo hadda lama oga inta qof ee ay qaadsiisay xanuunkaas iyo shirarka ay ka qeybgashay.

Wasaaradda caafimaadka ee ay hogaamiso waxaa ay xaqiijisay in khamiistii lasoo dhfaay laga helay astaamaha xanuunka, xilligaas oo ay booqatay aqalka looga arrimiyo dalka Ingiriiska ee Downing Street, waxaana halkaas ay kula kulantay ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson.

Ilaa iyo hadda lama oga in xanunkaas uu ku dhacay ra’iisul wasaaraha iyo inkale, in laga baaray.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada

Xuska maalinta macallinka Soomaaliya waxaa sanad kasta lagu qabtaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho. 1- Madaxweyne Xasan...

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ka socda Tuulada ciyaaraha Muqdisho

Munaasabada Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ayaa saaka si weyn loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...