Yaa loo xukumay ciyaar yahaankii Danaanada loo dilay?

Date:

Muqdisho (SNTV)- Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur ayaa loo heysta dilka Allaha Unaxariiste Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan  oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta  kaas oo ku yaal degmada Kaxda sedaxdii January ee sanadkan.

Maalin kadib  ayay ku guuleysteen ciidamada Amniga ee joogo baraha qaybta galbeed in ay ku wareejiyaan Maxamed Cismaan Maxamed Nuur hey’adaha ku shaqada leh sida laanta dambi baarista Boliiska CID.

Hey’adda    dambi baarista boliiska CID  ayaa  ka gudatay waaajibka kaga aadan ee baaris, waxa ayna ku soo wareejisay Gungaarka eedeysanaha  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 12/01/2020, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla  xilligaaasi weydiistay garsoorka in loo gudbiyo eedeysanaha xabsiga dhexe  garsuge ahaan si’ ay u sameeyaan baaris kale oo dheeraad ah.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista sida ay wax uga dhaceen garoonka lagu ciyaaaro kubadda cagta ee ku yaal degmada Cirifka jirta ee Kaxda, waxa ayna bilowgii February codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur.

Labadii bishan ayay Maxkamadda u fariisatay eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur, waxaana ugu horreyn la weydiiyay jiritaanka eedda loo heysto in uu ka jawaabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dheeraaday sharaxaadda sida ay wax u dhaceen, Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uusan ka mid aheyn dadka ku ciyaarayay garoon ku yaal degmada Kaxda dhinaca Xoosh balse uu garab siin ugu yimid wiil ay isku heyb yihiin, waxa uu meesha ka saaray Xeer Ilaaliyaha in wax wada xaajood ah dhex maray dhalinyaradii kubadda ciyaareysay iyo eedeysanaha balse si’aan ka fiirsasha laheyn uu ugu riday laba xabadood  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan sidaasna uu ku geeriyooday.

Abuukaataha u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uu u tagay garoonka si’ uu uga fal celiyo walaalkiis oo ciyaarta ku badda looga saaray awood sheegasho balse markii uu meesha tegay isku deygiisa kala eryidda dhalinyaradii ciyaareysay ay sababtay xabadihii uu riday dhimashada Marxuumka.

Garsoorayaasha  ayaa dhageysiga dhinacyada kadib go’aamiyay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan   sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta  fursad  30-cisho ah oo   uu ku dalban karo Rafcaan .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS,...