Ra’iisal wasaaraha Suudaan oo ka badbaaday isku-day dil

Date:

Raiisel wasaaraha Sudan Abdullah Hamduuk ayaa ka badbaaday isku day dil oo lala beegsaday gaarigiisa oo marayey caasimada Sudan ee Khartoum.

Shilka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saaka xilli uu ka sii baxayey gurigiisa oo ku yaal aagga Kafouri una sii socday goobtiisa shaqo ee Golaha Wasiirrada Sudan, iyadoo Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ay u sheegay BBC qeybteeda dibadaha lahadasha in gaariga uu ku qarxay qeybta hoose ee buundada loo yaqaan koobir , taasoo isku xirta magaalooyinka Khartoum iyo Bahri, halkaas oo kolonyada Raiisul Wasaaraha ay ku safrayeen.

Warka ayaa intaas ku daray in Hamduuk iyo shaqaalihiisuba aysan wax khasaaro ah soo gaarin oo ay bed qabaan, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weerarka lagu qaaday Ra’iisalwasaare Hamduuk.

Hamduuk wuxuu qabtay jagada Raii salwasaaraha kadib afgembigii xukunka Madaxweynihii hore ee Cumar Xasan al-Bashiir, taas oo ku timid kadib mudaaharaadyo ballaaran oo muddo ka socday dalka suudaan oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...