Wasiirka Maaliyadda XFS oo Abidjan kulan kula yeeshay Madaxa Bankiga Afrika

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen dib u habeynta horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta.

”Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi adesina aan ka wada hadalnay dib u habeynta iyo horumarka dhaqaalaha Soomaaliya”, sidoo kale waxaan isla qirnay muhiimadda ay leedahay xoojnta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika kadib deynta cafinta.

”Waxaan aad ugu mahadcelinayaa madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan ka gaarnay is badalka Maaliyadda waxaan si gaar ah u bogaadinayaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaraadaha kale ee dalka oo dhamaantood si loo gaaro guushan u huray wax kasta oo ay awoodeen” sidaa waxaa yiri wasiir beyle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...