Wasiirka Maaliyadda XFS oo Abidjan kulan kula yeeshay Madaxa Bankiga Afrika

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen dib u habeynta horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta.

”Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi adesina aan ka wada hadalnay dib u habeynta iyo horumarka dhaqaalaha Soomaaliya”, sidoo kale waxaan isla qirnay muhiimadda ay leedahay xoojnta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika kadib deynta cafinta.

”Waxaan aad ugu mahadcelinayaa madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan ka gaarnay is badalka Maaliyadda waxaan si gaar ah u bogaadinayaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaraadaha kale ee dalka oo dhamaantood si loo gaaro guushan u huray wax kasta oo ay awoodeen” sidaa waxaa yiri wasiir beyle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...