Askari u dhashay dalka Thailand oo rasaas uu furay ku dilay 20 qof isla markaana dhaawacay ku dhawaad 30 kale, waxaa dhintay weerarakaasi 20 ruux oo rayid ah halka ay dhaawacmeen in ka bdan 30 qof oo kale kadib markii askari ka tirsanaa ciidamada Thailand uu si saf mar ah rasaas ula dhacay dad rayid ah oo ka dukaamaysanayay magaalada Korat oo 260-KM dhinaca waqooyi kaga beeggan caasimadda Thailand ee Bangkok.
Sarkaal u hadlay ciidamada millatariga waddankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in askarigan oo magaciisa la yiraahdo Jacravanth Thoma, uu markii hore uu weeraray saldhig ciidan isagoo xeradaasi kasoo qaatay qeyb ka mid ah hubkii yaallay kadibna uu usoo tallaabay dhismo uu ku yaallay suuq ganacsi oo aan wax badan ka fogeyn saldhiggaasi.