Wasiiru-dowlaha Maaliyadda oo tababar u soo xiray shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa maanta tababar soconayay 10 maalmood u soo xiray shaqaalaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bartiisa ku qoray “Waxaan ku faraxsanahay in Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim uu si rasmi ah u soo xiray tababar soconayay 10 maalmood oo ku saabsanaa farsamooyinka horumarsan ee lagu falanqeynayo macluumaadka maaliyadeed ee shaqaalaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Tababarkaan ayaa ah mid xoojinaya xirfadda shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda si loo hirgeliyo, dib-u-habeynna loogu sameeyo, si ay gacan uga geystaan gaaritaanka himilooyinka horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa hadalkiisa ku soo koobay “Waxaan ugu mahadcelinayaa Mashruuca Taageerada Miisaaniyadda Midowga Yurub ee tababarkaan naga caawiyay”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...