Ciidanka cirka Suuriya oo duqeeymo ka geystay Magaalada Idlib

Date:

Ciidanka cirka Dawladda Suuriya ayaa maalmihii lasoo dhaafay 200 oo duqaymo kala duwan ah ku garaacay deegaanada ay haystaan kooxaha mucaaradka oo ay kamid tahay magaalada Idlib.

Duqaymahaas ayaa dhacay sedexdii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo ciidamada Siiriya ay ku bartilmaamsadeen koocaha mucaaradka ah balse waxaa ay duqaymahaas dhibaato xoogan u gaysteen dadka rayidka ah eek u dhaqan deegaanadaas.

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka ee Suuriya James Jeffrey ayaa cadeeyey in duqeymahaas ay fuliyeen ciidamada cirka Siiriya oo garab ka helaya Ruushka.

Wuxuu tilmaamay in hal mid kamid ah duqaymaha ay ku dhinteen 11 qof oo rayid ah, taasoo muujinaysa dhibaatada gaaraysa kooxcaha mucaaradka inay ka badan tahay mida ku dhacaysa dadka shacabka ah.

Arbacadii lasoo dhaafay ayaa ciidamada Siiriya waxay la wareegeen magaalada Macratul Nimcaan, oo ku taal wadada weyn ee u dhaxaysa magaalooyinka Dimishiq iyo Xalab.

James Jeffrey wuxuu sheegay in ciidamada kala duwan ee Dawladda Siiriya ay arrimahaas u arkaan horumar ay ka sameeyeen dalka Siiriya, balse uma muuqato dhibaatada ku dhacaysa dadka shacabka ah.

Qaramada Midoobay ayaa asbuucii hore sheegtay in qiyaastii 390,000 oo qof  ay ka barakceen dalka Suuriya iyadoo %80 ay yihiin haween iyo carruur, waxay kaloo intaa ku dartay QM tan iyo bishii December ee la soo dhaafay inay wadanka Suuriya ka qaxeen 400,000 oo qof oo kale oo magan galyo u doontay daafaha adduunka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska 

Muqdisho, Febaraayo 12, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay Kulan Laba-Geesood ah oo lagu xoojinayo Iskaashiga  Istiraatiijiga ah

Addis Ababa | Khamiis, 12 Febraayo 2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Mudane Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...