Kulamo-howleedyo looga hadlayo arrimaha baahinta awoodaha oo ka furmay Muqdisho

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta magaalada Mudisho ka furay kulamo-howleedyo looga doodayo arrimaha baahinta awoodaha, kheyraad-wadaaga iyo nidaamka maaliyadeed ee federaaleynta kuwaasoo laf-dhabar u ah dhameeystirka dastuurka.

Kulamo-howleedka oo socon doona muddo isbuuc ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, UNDP iyo marba hay’adaha dowladda ee loo baahdo.

Ugu horeyn, waxaa shirka ka hadlay ujeedadiisa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka isagoo ka qaybgalayaasha u sharxay Ajendaha shirka iyo waxa la doonayo in lagu lafaguro kulamo howleedyada is xig-xiga.

Dhanka kale, Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mudane Jockely Mason ayaa sheegay in ay bilowga kulamo-howleedyada ee looga hadlayo arrimaha muhiimka u ah dib-u-eegista dastuurka ay tahay mid kor u qaadaysa rajada shacabka iyo dhamaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ee ah in la dhameeystiro dastuurka.

Sidoo kale, Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo furay shirka ayaa yiri “Waxaan qabanqaabada kulamo-howleedyada inuu bilowday maanta ku bixinay waqti iyo dedaal badan, waxaan dooneynaa dhamaan hay’adaha dowladda ee u xilsaaran arrrimaha maalinba laga doodi doono inay soo jeediyaan aragtiyadooda si ay u sahlanaato dhameeystirka dastuurka”.

Ugu dambayn, kulamadan ayaa marka ay dhamaadaan waxaa laga soo saari doonaa aragtiyo mideysan oo horudhac ah kuwaasoo quseeya arrimaha muhiimka u ah geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...