Kulamo-howleedyo looga hadlayo arrimaha baahinta awoodaha oo ka furmay Muqdisho

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta magaalada Mudisho ka furay kulamo-howleedyo looga doodayo arrimaha baahinta awoodaha, kheyraad-wadaaga iyo nidaamka maaliyadeed ee federaaleynta kuwaasoo laf-dhabar u ah dhameeystirka dastuurka.

Kulamo-howleedka oo socon doona muddo isbuuc ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, UNDP iyo marba hay’adaha dowladda ee loo baahdo.

Ugu horeyn, waxaa shirka ka hadlay ujeedadiisa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka isagoo ka qaybgalayaasha u sharxay Ajendaha shirka iyo waxa la doonayo in lagu lafaguro kulamo howleedyada is xig-xiga.

Dhanka kale, Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mudane Jockely Mason ayaa sheegay in ay bilowga kulamo-howleedyada ee looga hadlayo arrimaha muhiimka u ah dib-u-eegista dastuurka ay tahay mid kor u qaadaysa rajada shacabka iyo dhamaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ee ah in la dhameeystiro dastuurka.

Sidoo kale, Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo furay shirka ayaa yiri “Waxaan qabanqaabada kulamo-howleedyada inuu bilowday maanta ku bixinay waqti iyo dedaal badan, waxaan dooneynaa dhamaan hay’adaha dowladda ee u xilsaaran arrrimaha maalinba laga doodi doono inay soo jeediyaan aragtiyadooda si ay u sahlanaato dhameeystirka dastuurka”.

Ugu dambayn, kulamadan ayaa marka ay dhamaadaan waxaa laga soo saari doonaa aragtiyo mideysan oo horudhac ah kuwaasoo quseeya arrimaha muhiimka u ah geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo maanta soo gabagabeyn doono socdaalkiisa rasmiga ah ee Ethiopia

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

WASIIRKA WARFAAFINTA OO QAABILAY WAKIILKA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KAMPALA KAGA QEYB-GALAY SHIRKA CAALAMIGA AH EE HORUMARINTA BEERAHA EE AFRIKA (CAADP)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo socdaal diblomaasiyadeed ugu ambabaxay Yugandha iyo Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...