Marwo Asha Gelle Diriye oo la kulantay Soomaalida Ohio

Date:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Marwo Asha Gelle Diriye oo wasiir ka Haweenka iyo Arimaha Qosyka ka soo noqotay Puntland kana mid ahayd dadkii wax ka qoray dastuurka soomaaliya ee hada jira.

Marwo Asha oo hada ka shaqeysa arimaha bulshada madaxna ka ah Hay’ada The Asha Gelle Foundation ayaa lagu amaanay doorkeeda isbadal doon iyo sida ay dadka Soomaaliyeed ugu adeegto gaar ahaan Samafalka.
 
Inta baddan dadkii ka hadlay xaflada ayaa ku tilmaamay Asha in ay tusaale wanaagsan u tahay Haweenka Soomaaliyeed iyaga oo ku booriyay in ay sii wado howlaha Samafalka iyo tilmaamaha wanaagsan.
 
Marwo Asha ayaa ka warbixisay xaalada Dalka iyada oo dhanka kale ka sheekeysay xaaladaha ku gadaaman Dowladnimada Soomaaliya iyo in meel fiican loo socdo lagana yimid meel aan la dhayal san karin.
 
Waxay ku boorisay dadkii ka soo qeybgalay in ay dalka ku celiyaan Maskaxdooda, Aqoontooda iyo Hantidooda kuna xisaabtamaan in dalku sugayo oo aysan cidina buuxinayn doorkooda.
 
Waxa la gudoonsiiyay Shahaado Sharaf iyo Abaalmarin ay siiyeen Dalada isku taga Ganacsatada Soomaaliyeed ee Mareykanka fadhigeeduna yahay Columbus.
 
Waxa ay kulamo la qaadatay qeybaha bulshada waxayna inta baddan dadka ku dhiirogalinaysay in dalkii sugayo iyo in fursado baddan oo ay ka faaiideysan karaan ay yaalaan iyada oo dhanka kale amaanku uu yahay hadba sidii Alle qadaro. 
 
Waxay amaantay horuarka ay Soomaalidu ka samaysay Ohio iyo sida loola saan qaaday dadkii dalkan uga soo horeeyay dhanka Ganacsiga, Waxbarashada, Deegaanka iyo arimaha is dhexgalka, waxayna boorisya isku dayga ay ku doonayaan in ay ka dhex muuqdaan siyaasada goboka si lamid ah gobolada kale ee ay soomaalidu ku baddantahay
Deeqo Shire (SONNA)
Columbus Ohio
   

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...