Taliyaha Ciidanka dhulka oo Booqday difaacyada dagaalka ee Gobolka Shabeellada Hoose+Sawirro.

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Kormeer shaqo waxa uu ku tagay Difaacyada Ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin Degaanada Awdheegle,Bariire,Sabiid iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose.

General C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa mid mid u dul istaagay Difaacyada isagoona halkaasi kula kulmay Ciidan ku guda jira waajibaadkooda qaranka loo igmaday

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya  General C/Xamiid Maxamed Dirir  waxa uu ciidamada faray in ay u diyaar garoobaan Howlgal ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab kaasi oo looga xureynayo degaanada gobolka shabellada hoose

Safarka Taliyaha ciidanka dhulka ayaa ahaa mid dhulka ah,isagoona Booqday fariisimaha ciidamada xoogga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...