Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madax ka socotay Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay arrimo badan

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sidii hey’adaha Qaramada Midoobay ay dowladda hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arrimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca Amniga iyo dib u dhiska Caasimadda.

Kulanka kaddib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula oo sheegay in maamulka ay ka caawin doono wax u qabashada barakacayaasha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay madaxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ay isla meel dhigeen waxyaabo badan oo dhanka iskaashiga ah.

               

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...