horjooge ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellada hoose.

Date:

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Danab ayaa howlgal qorsheeysan oo ay kasameeyeen Degmada Walanweeyn ee Gobolka Shabeelaha hoose waxeey kudileen Horjoogihii Maleeshiyaadka Argagixisada AL-Shabaab uqaabilsanaa waxyaabaha qarxa ee Gobolka Shabeelaha hoose kaasi oo lagu magacaabo Maxmed Cismaan Xuseen Buluush.

horjoogahani ayaa markii uu arkay Ciidamadda lasoobaxay qori AK47  islamarkaasna dagaalamay kadib Ciidamadda kumaandooska ee howlgalka sameeynayay ayaa toogtay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa qabashadaa horjoogahaani , balse dagaalamay sidaasina ay kutoogteen Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka.

horgahaani ayaa wuxuu badalay Maxamed Siidoow oo 28-ka December 2019 lagu dilay duqeeyn ka dhacday Tuulada Caliyoow Baroow sida uu inoo xaqiijiyay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik.

horjoogahaani howlgalka lagu dilay ayaa horay ulaayay Shacab iyo Ciidan oo uu qaraxyo umaleegay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...