Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Tacsiyeeyey Suldaan Haytham Oo Dhowaan Loo Doortay Xilka Cumaan โ€Sawirroโ€.

Date:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ooย  ku sugan Dalka Cuman ayaa waxaa uu kulan la qaatay Suldaanka Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur.

Madaxweyne Farmaajo ooย  halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer Suldaan Qaboos bin Saciidย  oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna geeriyooday daโ€™da 79 jir.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan iyo Shacabka dalkaas waxaa uu uga tacsiyadeeyey geerida Suldaan Qaboos bin Saciid isagoo Marxuumkana Alle uga baryey in uuย  Naxariista Jano in uu siiyo.

Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa maalmo barooq-diiq ah oo looga dhawaaqay dalkaas kadib geeridii Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale