Ruushka oo martigalinaya maanta shir looga hadlayo xaaladda dalka Libya

Date:

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in maanta oo Isniin ah Moscow ay ku kulmi doonaan ra’iisal wasaaraha dowladda QM ay aqoonsan tahay ee fadhigeedu yahay Tripoli iyo hoggaamiyaha maleeshiyaadka dowladda la dagaallamaysa.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka Interfax, Ra’iisal wasaare Fayez al-Sarraj, oo madax u ah dowladda la aqoonsan yahay ayaa caasimadda Ruushka kula kulmi doona Khaliifa Xaftar oo madax u ah malleeshiyaad ku sugan bariga Libya.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ka taagnaa jahwareer tan iyo markii meesha laga saaray hoggaamiyihii mudadda dheer ka arriminayay dalkaas Mucammar Qadaafi, oo lagu afgambiyay kacdoon ay taageerayeen gaanshanbuurta NATO sannadkii 2011.

Wadankan hodanka ku ah saliida ayaa tan iyo markii ay ka sameesmeen labo maamul oo iska soo horjeedaa kuwaasoo kala fadhiya bariga iyo galbeedka, waxaa uu noqday dal sii burburaya, iyadoo ay jirto khilaaf soo jiitamayay oo u dhexeeya awoodaha shisheeye.

Tan iyo bishii April, dowladda QM ay aqoonsan tahay, waxa ay la kulmaysay weerar uga imaanayay maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Xaftar, kaasoo 6-dii Janaayo qabsaday magaala xeebeedka istiraatiijiga ah ee Sirta.

Weriyaha Al Jazeera ee ku sugan Moscow ayaa sheegtay in kulanka labada dhinac maanta uga furmaya Moscow la filayo inuu noqdo “kulan dheer”.

“Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in wufuud ka socota Masar iyo sidoo kale Imaaraadka Carabtu ay goob joog ka noqon doonaan xafladda lagu furayo kulanka ka dhacaya Ruushka, wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sidaas noo sheegtay sidoo kale waxaa la filayaa in kulanka uu qaato 10 saacad ama ka badan” ayey tiri weriyaha Al Jazeera ee Moscow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...