Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Baarlamanka labaad Galmudug oo diyaarinaya habraaca doorashada.

Date:

Xubnaha Baarlamanka Galmudug ayaa fadhi ay shalay ku  yeesheen Dhuusamareeb ku doortay guddi suurta geliya doorashada guddoonka Baarlamanka labaad ee Galmudug kaasoo ka kooban 15 xubnood.

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo ah wariyaha nooga soo warama Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in guddiga shalay la doortay uu hadda ku howlanyahay diyaarinta habraaca doorashada guddoonka baarlamanka Galmudug, isagoo intaasi raaciyay in guddigaasi laga sugayo shuruudaha doorashada guddoonka cusub baarlamanka labaad ee Galmudug.

Sidoo kale guddigan shalay la doortay ayaa hadda ku howlan diyaarinta shuruudaha looga baahanyahay musharaxiinta u tartameysa guddoonka baarlamanka Galmudug.

“Shalay waxaa la soo gudbiyay sadax xubnood oo ka mid ah lix ka dhinneyd tirada guud ee  xildhibaannada Baarlamanka cusub ee Galmudug kaasoo ka kooban 89 mudane,  sadexda harsanna dhawaan ayaa lagu wadaa in la soo gudbiyo si loo dhameystiro xubnaha baarlamanka labaad ee Galmudug” sidaasi waxaa yiri Maxameddeeq Cabdi Maxamed oo saaka u waramay warbaahinta Qaranka.

Dhinaca kale guddiga farsamada ee waday howsha dhismaha Galmudug ayey u muuqataa in shaqadiisii ay gabagabo tahay, iyadoo shaqada inta harsan uu la wareegidiino haddii la doorto gudoonka baarlamanka Galmudug

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...