Ciidamada XDS oo soo dhoweeyay maleeshiyaad ka soo goostay al-Shabaab

Date:

Malleeshiyaad ka soo goostay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa  isku soo dhiibay  ciidamada XDS ee ka howlgala gobolka Gedo..

Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS ayaa laba nin oo ka soo goosatay Shabaab ku soo bandhigay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaas oo la sheegay in ay xiriir la soo sameeyeen ciidamada ka hor inta aysan ka soo goosan  kooxda.

Labadan nin ee lagu soo bandhigay Degmada Balad Xaawo ayaa sheegay in sanado badan ay ka tirsanaayeen Al Shabaab ayna hadda go’aansadeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi, waxa ayna sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen intii ay ka mid ahaayeen kooxda Al Shabaab.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada XDS ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda iyo iyagoo yaqiinsaday in mas’uuliyiinta dowladdu ay soo dhaweynayan dhallinyarada ka soo tagta Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...