Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa shaaciyay waqtiga la fullin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha maamulkaasi ay ku rideen saddexdii nin ee ku eedaysnaa kufsigii iyo dilka loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.
Xeer-ilaaliyaha guud oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka bisha labaad ee sanadkaan, gaar ahaan saacadda marka ay tahay 8:00 subaxnimo, iyadoo goobta lagu fulin doono ay noqon doonto magaalada Boosaaso.
Saddexda nin ayaa lagu kala Magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019-kii Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku riddey xukun dil ah, iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas, kadib markii ay racfaan ka qaateen.