QM Oo Sheegtay In Duqeyntii Shirkadda Aramco Ee Sacuudiga Aysan Ka Dambeyn Xuutiyiinta Yemen

Date:

Warbixin  ka timid guddiga kormeerka cunaqabateynta  Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen aysan wax lug ah ku laheyn ama aysan fulin weeraradii gantaalada ee bishii Setembar lagu qaaday goobaha shiidaalka ee dalka Sacuudi Carabiya.

Khuburada madaxa bannaan ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u xilsaareen kormeeridda cunaqabateynta saaran dalka Yemen ayaa sheegay in inkasta oo Xuutiyiintu ay sheegteen weerarada dhinaca gantaalada ee lagu qaadat goobaha saliidda dalka Sacuudiga,haddana Kooxdaasi aysan fulin gantaaladii 14-kii September ee sanadkii  2019 ku dhacay Abqaiq iyo Khurais .

Natiijooyinka ka soo baxay kormeerayaasha UN-ka ayaa  ku soo beegmeen xilli ay xiisado ka jiraan gobolka, ka dib kolkii Mareykanku uu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Iiraan ,laguna magacaabo Qassem Soleimani oo ku sugnaa Ciraaq.

Baarayaasha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in gantaalada lagu weeraray goobaha saliida Sacuudiga aysan ka imaan dhulalka ay gacanta ku hayaan Xuutiyiihnta Yemen balse ay fulliyeen diyaaradaha Darooniska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...