Xubno Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Duqeymo Ka Dhacay Gobolladda Jubooyinka

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Africom ayaa fuliyay Duqeymo Dhanka Cirka ah Saqdii Dhexe Ee Xalay kaasi oo lagu beegsaday horjooogayaal ka tirsan kooxda Al-shaabab  kuwaas oo ku sugnaa deegaannada jubboyinka

Duqeymaha ayaa la sheegayaa in si gaara looga fuliyay deegaannada kala ah Jilib, Jammaame  iyo caga-libaax  islamarkaana khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan kooxda nabad diidka ah, inkastoo aysan shaacin tirada saxda ah ee lagu dilay, sidookale saraakiisha ayaa sheegay in afar xubnood nolosha lagu qabtay sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dadaal ugu jiro sida ay uga sifeen lahaayeen kooxda Al-shabaab guud ahaan dalka Soomaaliyeed

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran  ee kumaandooska soomaaliya qeybta ka howlgasha gobolladda jubboyinka ee howlgalka Africom ayaa weeray fariisimo ay ku lahaayen kooxda A-shabaab  deegaanka Caanoole oo hoostagaBadhaadhe ee gobollka Jubbadda Hoose,halkaas oo ey ku shirayeen horjoogayaalka ka tirsan maleeshiyadka Al-shabaab  islamarkaana ay xoolo ay ka dheceen shacabka Soomaaliyeed sida ay inoo xaqiijiyeen saraakisha ciidan xoogga dalka.

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka ayaa duqeyn ka fulliyaya Deeganka jammame ee gobolka jubbada hoose ,halkaasi ay ku tabo baranayeen  dhallinyaro ey soo qaldeen  una tabo barayeen sidii ey u dhibaateen lahaayeen shacabka Soomaaliyeed halkaasi ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen

Ciidamada ayaa sidoo kale duqeeyay saldhig ay nabad diidka ku lahaayeen degmadda Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas ay ku sugnaayeen horjoogayaal sar sare oo ka tirsan Al-shabaab waxaana la burburiyay saldhigii ay Kooxda halkaasi ku lahayd.

Gaashanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaran in khasaaro xoogg leh soo gaaray maleeshiyaadka argagixisadda Al-shabaab goobaha ay duqeenta ka dhacday .

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa habeen iyo dharaar heegan ugu jiro ciribtir AL-shabaab si ay uga dulqaadan dhibka iyo dhagarta ay ku haayan shacab Soomaaliyeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...