Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Date:

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa canbaarayn dusha looga tuuray weerarkii kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

“Weerarka fashilmay ee ururka argagixiso ee sii burburaya ee Al-Shabaab, kaasi oo lala maaganaa shaqaalaha iyo hantida difaaca, marna dib uma dhigi doonto dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa diidan nabadda iyo xasiloonida gobolka” Ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamada Kenya iyo taliska AFRICOM ee Mareykanka ku amaanayso sida fudud ee ay isaga caabiyeen weerarkaas, khasaaraha xooganna u gaarsiiyeen argagixisada Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxaay taageero buuxda u xaqiijinaysaa dadaallada socoda ee gobolka looga ciribtirayo argagixisada, waxayna sii wadi doontaa inay saaxiibada gobolka iyo caalamka kala shaqayso in nabad iyo baraare laga helo gobolka iyo dunidaba.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in war-saxaafadeedyo dhowr ah oo Al-Shabaab ay kasoo saartay dhacdadan ay yihiin kuwa lagu buun-buuninayo xaaladda amniga ee saldhigga. “Dhaqankan waa mid caadi u ah ururkaan argagixiso.” Sidaas waxaa yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Major General William Gayler.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...