Ciidamada XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka fuliyey Sh/hoose

Date:

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo ku hubeeysan gawaarida Gaashaaman ee dagaalka  ayaa howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al shabaab  ka sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalka oo lagu xaqiijinayay ammaanka deegaanka Ceel-saliini iyo degaanno kale oo hoosyimaada degmada Marka ayaa sidoo kale deegaanno horleh looga saarayay maleeshiyaadka Shabaab.

Col-Xassan Maxamed Abuukar ahna taliyaha guutada 1-aad ee Ciidanka XDS oo  hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in qorshhu uu yahay sidii maleeshiyaadka Shabaab looga saarilahaa deegaannada dalka islamarkaan loo xaqiijinlahaa ammaanka deegaannada kooxda laga saaray.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha istiraatiijiyadeysan ee ciidamada XDS dalka uga xoreynayaan maleeshiyaadka Shabaab ee dhabaatada xad dhaafka ah ku haya bulshada Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...