Guddiga Gurmadka Qaraxa Oo Soo Bandhigay Tirada Dhimasho & Dhaawac

Date:

Guddiga Gurmadka qaraxii saaka ka dhacay Ex-control Afgooye, ayaa soo bandhigay xog hor dhac ah oo ku saabsan, Tiradda dhismashada iyo dhaawacyadda la geeyay Isbitaalada Muqdisho.

Shaxda Isbitaalada la geeyay Meydadka iyo Dhaawacyada ayaa waxaa ka soo muuqday, Isbitaalada kala ah.

Isbitaal Madiina: 73 Meydad ah iyo 67 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka yaala 52 dhaawac ah, halka 15 qofna Isbitaalka laga bixiyay.

Isbitaalka Erdugan:4 Meydad ah iyo 33 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka yaala 33 qof, mana jirta qof ilaa iyo hadda Isbitaalka laga bxiiyay.

Isbitaalka Somali Sudanes: 1 Meyd ah iyo 16 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka jiifa 10 ruux, waxaana laga bixiyay 5 ruux oo lagu daray, Bukaanada jiifa Isbitaal Erdugan.

Isbitaalka Egyptian: Wax meyd ah lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 2, waxaa weli jiifa hal qof, waxaana laga bixiyay hal qof.

Isbitaalka Shaafi: wax Meyd ah lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 10 ruux, waxaa weli jiifa 9 qof, waxaana laga bixiyay, hal qof.

Kalkaal Hospital: Ma jirin Meyd la geeyay, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 15 ruux, waxaa weli ku jira 4 ruux, waxaana laga bixiyay 11 qof.

Isbitaalka Daaru Shifa: Wax Meyda lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 6 ruux, waxaa weli ku jira 6 qof, mana jiro bukaan laga bixiyay.

Wadarta guud ee tirada Dhimashada la geeyay Isbitaalada Muqdisho waxa ay gaareysaa 79 ruux oo meydad ah.

Wadarta guud ee tirada Dhaawacyada la geeyay Isbitaalada Muqdisho waxa ay gaarayaan 149 dhaawac ah.

Wadarta guud ee Bukaanada weli jiifa Isbitaalada Muqdisho waxa ay gaarayaan 111,

Halka wadarta guud ee tirada Bukaanada Isbitaalada laga bixiyana ay gaarayaan  33 qof.

Guddiga ayaa weli ku howlan baadi goobka xogo kale oo ku saabsan Meydad iyo Bukaano ay suurta gal tahay in aan la diiwaan galin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...