Xuska 76 guuradii ciidanka booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusay.

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow oo ka hadlayay munaasabadda xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa ciidanka ku booriyay inay labo jibaaraan u adeegidda shacabka.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay ku guuleysteen ka hortagga falal badan oo ay argagixisada Al-Shabaab dooneysay inay ku dhibaataan shacabka, isagoo bogaadiyay sida ay ciidanka u gudanayaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

“Waxaan bogaadinayaa xilkasnimada, daacadnimada iyo gudashada waajibaadka idinka saaran howsha la idin igmaday, ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qaraxyo ay maleegayeen argagixisada Al-Shabaab, Wasaaradda Amniga waxaa ka go’an horumarinta iyo kobcinta aqoonta ciidanka booliska, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay u kuurgelidda xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay ciidanka booliska.

“Waxaa noo soo dhameystirmay wajiga labaad ee baaritaanka u kuurgalka marxaladaha booliska, waxaana noo soo baxday in ciidanku ay u baahanyihiin kobcin dhankasta ah, waxaa kaloo noo soo baxay inay lagama mar maarntahay casriyeynta booliska Soomaaliyeed si ay ula jaanqaadaan booliska adduunka, sida ka hortagga argagixisada, muqaadaraadka iyo tahriibka.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa faray ciidanka booliska inay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...