Xuska 76 guuradii ciidanka booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusay.

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow oo ka hadlayay munaasabadda xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa ciidanka ku booriyay inay labo jibaaraan u adeegidda shacabka.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay ku guuleysteen ka hortagga falal badan oo ay argagixisada Al-Shabaab dooneysay inay ku dhibaataan shacabka, isagoo bogaadiyay sida ay ciidanka u gudanayaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

“Waxaan bogaadinayaa xilkasnimada, daacadnimada iyo gudashada waajibaadka idinka saaran howsha la idin igmaday, ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qaraxyo ay maleegayeen argagixisada Al-Shabaab, Wasaaradda Amniga waxaa ka go’an horumarinta iyo kobcinta aqoonta ciidanka booliska, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay u kuurgelidda xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay ciidanka booliska.

“Waxaa noo soo dhameystirmay wajiga labaad ee baaritaanka u kuurgalka marxaladaha booliska, waxaana noo soo baxday in ciidanku ay u baahanyihiin kobcin dhankasta ah, waxaa kaloo noo soo baxay inay lagama mar maarntahay casriyeynta booliska Soomaaliyeed si ay ula jaanqaadaan booliska adduunka, sida ka hortagga argagixisada, muqaadaraadka iyo tahriibka.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa faray ciidanka booliska inay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...