Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo si diiran u soo dhaweeyay wafdi ka socda Somaliland oo deeq keenay

Date:

Wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaadaha Baladweyne ee Somaliland ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 600,000 oo dollar (Lix boqol oo kun oo Dollar) soo gaarsiiyay Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Wasiirro, Xildhibaanno, ganacsato iyo Culimo Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa boggaadiyey in dadka walaalaha ee Soomaaliya iyo reer Somaliland ay is caawiyaan, taasina ay muujineyso sida dadkeennu ay ugu weyn tahay Soomaalinimada.

Jamaal Ceydiid Ibraahim guddoomiyaha guddiga gurmadka fataadaha Baladweyne ee Somaliland, ayaa sheegay in dhaqaalahan ay iska soo uruuriyeen shacabka iyo madaxda Somaliland si ay u garab istaagaan walaalahood ay fataahaduhu saameeyeen ee reer Baladweyne..

Xildhibaan Suleybaan Maxamuud Xaashi iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka socday Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga mahadceliyey dadaalka iyo dadnimada ay walaalaha Somaliland muujiyeen.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in gurmadka dhaqaale ee reer Somaliland uu muujinayo sida weli labada shacab ay isu jecel yihiin, loona baahan yahay in madaxdu ay ka faa’iideysato midnimadaas.

Gurmadka dhaqaale ee gaaraya Lixda Boqol oo kun oo Dollar ee Somaliland ka yimid ayaa muujinaya walaaltinimada dheer iyo isku gargaaridda labada dhanba, waxaana lagu xusuustaa in abaarihii qeybo ka  mid ah dalka ku dhuftay  sannadkii 2011-kii in ay kaalin muuqata ka qaateen gurmadkii lagu badbaadinayey boqollaal kun Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...