Guddoomiyaha guddiga kheyraadka golaha Aqalak sare oo soo xiray shir ay lalahaayeen Wakiilo ka socday maamul goboleedyada.

Date:

kulankaan ayaa ahaa mid la-tashi ah  waxaana   Guddiga Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalak Sare baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay la qaateen Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka loogana tashanayay   Hindise-sharciyeedka Batroolka.

Kulanka ayaa waxa uu soconayay mudo labada maalmood ah iyadoo qodobada Hindise-sharciyeedka Batroolka goobta laga aqriyay, lagana dooday.

Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa warbaahinta la hadlay Xildhibaan Bile Cabdulle Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Jubaland iyo Maxamed Xasan Geelle oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug, waxa ay sheegeen in wax wanaagsan ay tahay wadatashiga una mahadcelinayaan guddiga Qeyraadka gollaha aqalka sare BFS.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka ,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalak Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Sen, Ilyas Cali Xasan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in sharcigaan Batroolka uu yahay sharci la doonayo in ay ku dhaqmaan dadka Soomaaliyeed muhiimna ay tahay la tashiga dowlad goboleedyada maadaama uu aqalka sare matalo.

Kulankan latashiga ay Guddiga Kheyraadka Qaranka ,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalak Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ay la yeelanayeen dowlad goboleedyada dalka ayaa waxa uu soconayay mudo laba maalmood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...