Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa kulan wada xaajood ah la yeelatey Madaxa Diplomaasiyiinta Ururka Jaamacada Carabta ahna Safiirka Sudan u fadhiya Zambia Danjire; Hussein Awad Ali iyo Safiirka South Africa u fadhiya Zambia Danjire GN Twala.
Kulanka Safiirrada ayaa waxaa looga hadlay iskaashaga Waddamada ay matalayaan iyo sidii xiriir iskaashi dhanka ganacsiga iyo wax wada qabsiga ah ay u yeelan lahaayeen.
Safiirka cusub ee Soomaaliya u joogta Zambia, Xaawa Xasan Maxamed ayaa sheegtey in ay ku dedaalayso arrimo la xiriira sidii ay Dalka Zambia gudahiisa shaqo abuur ugu sameyn lahayd Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi