Dood-cilmiyeed ku saabsan nidaamka federaalka oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka

Date:

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka, Dr; Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa daah-furay barnaamij ku saabsan fahamka Federaalka iyo ku wacyigalintiisa Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dood Cilmiyeedka ayaa waxaa ka qeyb galay khubaro ku xeel-dheer arrimaha Federaalka, qeybaha Bulshada Rayidka ah iyo Saraakiil ka socotay qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda, iaydoo si xooggan looga dooday hannaanka federaalka ee Dalka, muhiimadda uu leeyahay iyo caqabadaha ku xeeran hirgalintiisa.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Abdullahi Sheekh Cali (Qalloocow) iyo Dr; Xuseen Maxamed Siyaad oo ka mid ah golaha dhaqaalaha Qaranka Soomaaliyeed, kana mid ahaa khubarada casharrad bixineysay ayaa si faah-faahsan u sharaxay nidaamka federaalka iyo noocyadiisa, si faham badan ay uga helaan Bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dr; Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), ayaa dul istaagay ahmiyadda uu leeyahay fahamka Bulashada ee nidaamka Federaalka, maadaama uu aas-aas u yahay xasilloonida siyaasadeed iyo midda amni ee Dalka, wuxxuuna tilmaamay in Dowladdu ay dedaal xooggan  ku bixineyso hirgalintiisa.

Madaxda iyo ka qeyb-galeyaasha kale ee kulanka ayaa isla gartay in laga faa’iidaysto talooyinka khubarada Soomaaliyeed ee ku xeel-dheer arrimaha Federaalka iyo in xog uruurin qotodheer laga sii sameeyo aragtiyaha kala duwan ee ay Bulashada  ka haysato nidaamka Federaalka, si loo gaaro hannaan wacyigalineed oo ka turjumaya dhammaan aragtiyaha Shacabka Soomaaliyeed.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...