Hay’adda IMF oo soo dhaweysay horumarka qorshaha deyn dhaafka Soomaaliya.

Date:

War-saxaafadeed ay soo saartay Agaaismaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayay ku bogaadisay habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sida uu ku socdo.

Agaasimaha ayaa war-saxaafadeedka soo saartay markii ay ansixisiyeen Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka IMF ee xirmada maaliyadeed ee Soomaaliya.

“Maanta, Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo Gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya, qorshahan wuxuu ku tiirsan yahay dedaal ballaaran oo Caalami ah, oo ku saleysan xubnaha  kaalmooyinka Lacageed ee ay bixiyaan iyo qoondo laga helayo ilaha gudaha” ayay ku tiri,Mss, Georgieva, war-saxaafadeedkeeda.

Agaasimaha ayaa sheegtay in ay tani muujineyso muhiimadda ah in Soomaaliya laga caawiyo in ay tallaabbo u qaaddo kusoo noqoshada hannaanka caadiga ah ee xiriirka dhaqaalaha Caalamiga iyo horumar laga sameeyo deyn dhaafka, iyadoo loo marayo hal abuurka deyn cafinta Waddamada faqriga ah (HIPC).

“Cafinta deymaha Soomaaliya waa mid ka mid ah waxyaabaha horutabinta u leh hay’adda Lacagta Adduunka, waxaan dhiirri-galinayaa teegaarada ka imaanaysa xubnaha muhiimka u ah arinkan garoowshahooda ah in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha  si waafaqsan barnaamijka kooxda la socodka hay’adda Lacagta Adduunka (SMP).

Kristalina Georgieva, ayaa sheegtay in barta go’aan qaadashada hal-abuurka deyn cafiska Waddamada faqriga ah uu billaabanayo qorshihiisa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xubnaha bixiyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah deyn cafinta.

Waxanay sheegtay in ay filayso in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay sii wadaan habaynta dhaqaalaha, taas oo caawin karta furista Il-dhaqaale oo uu Dalku ku gaaro horumar ballaaran iyo in la yareeyo sabool-nimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....