Gacan ku dhiigle dilka geystay Dhuusamareeb.

Date:

Sida uu noo xaqiijiyay wariyaha warbaahinta Qaranka uga soo warama Dhuusamareeb Maxamed Deeq Cabdi Maxamed, waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ka dhacday dil argagax leh kaddib markii nin ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadda Waaberi ee degmadaasi uu walaalkiis ku dilay guri ay wada deganaayeen.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa halkaasi kula ku arkay meydka dhibbanaha iyo gacan ku dhiiglihii oo goobtaasi ka baxsaday, waxeyna ciidamadu billaabeen iney dabagalaan ninka dilay walaalkiis si ay u soo qabtaan sharcigana u horkeenaan.

Si dhab ah looma oga sababta uu ka dhashay dilkan, sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dhuusamareeb iyo hay’adaha amniga kaasoo ku saabsan falkan dilka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...