Gacan ku dhiigle dilka geystay Dhuusamareeb.

Date:

Sida uu noo xaqiijiyay wariyaha warbaahinta Qaranka uga soo warama Dhuusamareeb Maxamed Deeq Cabdi Maxamed, waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ka dhacday dil argagax leh kaddib markii nin ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadda Waaberi ee degmadaasi uu walaalkiis ku dilay guri ay wada deganaayeen.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa halkaasi kula ku arkay meydka dhibbanaha iyo gacan ku dhiiglihii oo goobtaasi ka baxsaday, waxeyna ciidamadu billaabeen iney dabagalaan ninka dilay walaalkiis si ay u soo qabtaan sharcigana u horkeenaan.

Si dhab ah looma oga sababta uu ka dhashay dilkan, sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dhuusamareeb iyo hay’adaha amniga kaasoo ku saabsan falkan dilka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...