Golaha Wasiirrada oo ansixiyay hindise-sharciyeedka difaaca Qaranka Soomaaliyeed

Date:

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca Qaranka Dalka oo Golaha usoo gudbisay Wasaaradda difaaca.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska Dadka Dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan Dowliga ahayn iyo siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo ay soo diyaariyeen Wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.

Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska Dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo Guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray Guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo qeybo ka mid ah Gobolka bari oo ay daadadku saameeyeen.

Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay weerarkii Hotelka SYL ay ku qaadeen Argagixisadu.

Golaha wasiirrada ayaa bogaadiyay dedaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesi-nimada lahaa ee ay Ciidamdu ku badbaadiyeen Dadka Shacabka ah.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...