Shirka Wakaaladaha Wararka dalalka Islaamka oo ka furmay Jiddah.

Date:

Shir aan caadi ahayn ayaa magaaladda Jidda ee Dalka Sucuudiga uga socda Midowga Wakaaladaha Dalalka Islaamka oo dalal  badan ay ka qayb galayaan .

Soomaaliya waxaa uga qeybgalay shirka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al Cadaala oo uu wehliyo Agaasimaha Wakaaladda wararka Qaranka (SONNA) Cali Meykal waxaa looga hadlayaa shirkaan Horumarinta midowga Dhinacyada Maamulka,maaliyadda,dib u habaynta hoggaanka iyo qodobo kale oo muhiim ah,

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa dardar galinta howlaha muhiimka ah ee horyaala waxaana masuuliyiinta ka socda Wasaaradda warfaafinta Qaranku ay halkaa ku soo bandhigayaan dadaalka iyo dib u kabashada warbaahinta dalku ay ku socoto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...