Shirka amniga gobolka Banaadir oo looga hadlay weerarkii SYL.

Date:

Shirka amniga Caasimadda ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir iyadoo wax la iska weydiiyay dhacdadii ka dhacday Hotellka SYL oo argagixisada soo weerareen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo shirka gudoominayay ayaa tilmaamay in la iskula xisaabtami doono sugida amniga islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo qorshaha nabadgalyda Caasimadda.

Shirka waxaa ka qayb galay saraakiisha u xilsaaran amniga caasimadda oo suaalo laga weydiiyay arrimaha amniga la xiriira ee uu ka mid yahay weerarkii hotelka SYL waxaana ka soo baxay shirkaas in isla xisaabtan dhab ah uu jirayo isla markaana la doonayo dardar galinta amniga caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...