Warsaxaafadeed Wasaaradda Warfaafinta ee Weerarkii Hotel SYL Muqdisho

Date:

Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa soo Gabagabeeyay howlgalkii ay ka wadeen Hotel SYL oo weerar naf Halignimo ah ku soo qaadeen maleeshiyaad katirsan Xagjirka Al Shabaab.

Ciidamada ayaa toogtay dhammaan 5-tii qof ee weerarka fulisay, wuxuuna ujeedkoodu ahaa in ay gumaadaan Mas’uuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee ku sugnaa gudaha hotelka.

Intii uu howlgalku socday waxa ay ciidamadu ku guuleysteen in ay gudaha Hotel-ka SYL kasoo badbaadiyeen ku dhawaad boqol qof oo isugu jiray Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah oo hotelka u joogay nasiino iyo howlo kale oo u gaar ah. halka dhaawac fudud uu soo gaaray 8 qof oo shacab ah.

Ururka 60-aad ee ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo ciidamada Booliska ayaa howlgalka ka qeybqaatay, waxayna Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ku bogaadinayaan sida wanaagsan ee naxariista leh ee ay ugu gurmadeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen difaacistooda.

Ugu Dambeyntii Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed waxa ay Murugada iyo tiiraanyada la qeybsaneysaa dhammaan Ehelada iyo Asxaabta ay ka bexeen Shuhadadii ku nafwaayay weerarka Argagixisadu ay ku qaadeen Shacabka Soomaaliyeed.

AFHAYEENKA WASAARADA WARFAAFINTA

ISMAACIIL MUKHTAAR CUMAR

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,...