Shir Muhiim Ah Oo Lagu Soo Gabo gabeeyay Dalka Kenya

Date:

Shirka dalalka Africa, Kareebiyaanka iyo Baasifiga oo ka socday Kenya ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Nairobi, Soomaaliya waxaa u matalayay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirka looga hadlay arrimo badan oo kusaabsan madaxda dalalka ka qeyb galay, isla markaana la soo jeediyay in shanta gobol ee gobollada khaaradda Afrika laga saaro ururka.

“Shirku waxa uu isku raacay in Ururka loo bixiyo magac cusub, halkii laga dhigi jiray IMACP hadda waxa uu noqonayaa OACP oo ah Ururka Dalalka Afrika, Kareebiyaanka iyo dalalka Baasifiga , waxaa kaloo Madaxda Ururka ay soo jeediyeen in Afrika laga dhigo afar gobol, taasi oo meesha ka saaraysa gobol ka mid ah gobolada shanta ah ee Afrika.

Afarta gobol ee la isku raacay waxay kala yihiin Koonfur Afrika, Bariga Afrika, Galbeedka Afrika iyo Bariga Afrika, waxaana meesha laga saaray Gobolka Waqooyiga Afrika, inkasta oo aan go’aan rasmi ah laga soo saarin soo jeedintan”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...