Wasiirka Shaqada Sadiiq Warfaa oo kormeeray Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa, ayaa kormeerkiisii saddex biloodlaha ahaa ku tagay Arbacadii xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, halkaa oo ay warbixin la xiriirta waxqabadka guddiga ku siiyeen guddoonka.
Guddoomiye ku-xigeenka guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka, Cali Muumin Muudeey ayaa boggaadiyay dadaallada uu wasiirka ku bixinayo horumarinta shaqaalaha.
“Halka arrin aan doonayo cid walba inay oggaato ayaa ah in wasiir Sadiiq ay ka go’antahay si isku mid ah inuu ugu adeeggo guddiga iyo wasaaradda, maaddama uu labadaba wasiir u yahay.” ayuu yiri guddoomiye Muudey.
Wasiir Sadiiq Warfaa , ayaa dhankiisa  sheegay si siman inuu ugu shaqeyn doono wasaaradda iyo xarunta guddiga, isagoo ku dhiirrigaliyay guddoonka iyo howl-wadeenka guddiga Shaqada ay qaran u hayaan.
“Guddiga howlo muhiim ah ayuu dalka u haya , waxaana hadda qaadayaa talloobooyin aan ku dooneyno in lagu horumariyo guddiga.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray in toddobaadkii maalmo ka mid ah uu ku dhex shaqeyn doono xarunta guddiga.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo muddo ku dhow sannad xilka haya ayaa markii labaad kormeer saddex biloodle ah ku tagaya xarunta guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...