Wasiirka Shaqada Sadiiq Warfaa oo kormeeray Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa, ayaa kormeerkiisii saddex biloodlaha ahaa ku tagay Arbacadii xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, halkaa oo ay warbixin la xiriirta waxqabadka guddiga ku siiyeen guddoonka.
Guddoomiye ku-xigeenka guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka, Cali Muumin Muudeey ayaa boggaadiyay dadaallada uu wasiirka ku bixinayo horumarinta shaqaalaha.
“Halka arrin aan doonayo cid walba inay oggaato ayaa ah in wasiir Sadiiq ay ka go’antahay si isku mid ah inuu ugu adeeggo guddiga iyo wasaaradda, maaddama uu labadaba wasiir u yahay.” ayuu yiri guddoomiye Muudey.
Wasiir Sadiiq Warfaa , ayaa dhankiisa  sheegay si siman inuu ugu shaqeyn doono wasaaradda iyo xarunta guddiga, isagoo ku dhiirrigaliyay guddoonka iyo howl-wadeenka guddiga Shaqada ay qaran u hayaan.
“Guddiga howlo muhiim ah ayuu dalka u haya , waxaana hadda qaadayaa talloobooyin aan ku dooneyno in lagu horumariyo guddiga.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray in toddobaadkii maalmo ka mid ah uu ku dhex shaqeyn doono xarunta guddiga.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo muddo ku dhow sannad xilka haya ayaa markii labaad kormeer saddex biloodle ah ku tagaya xarunta guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...