Uganda : Ganacsato Soomaalieed oo kacabanayo boob iyo jirdil

Date:

Soomaalida ku nool dalka Uganda gaar ahaa kuwa dagan magaalada Kampala ayaa ka cabanaya tuugo badan oo si gaar ah u gaarsata Soomaalida iyagoo u gaysta dhac iyo waxyeelo badan, sida jirdil ay la kulmaan marka ay tuugada wax ka qaadaanayaan.

Qaar ka mid ah dadk Soomaaliyeed oo Radio Muqdisho xafiiskiisa Kampala la hadlay ayaa sheegay in ay xiligaan soo bataan dhaca Soomaalida loo gaysto oo wadooyinka loo galo halka qaar kalena guryahooda loogu dhaco oo waxii guriga u yiila laga qaato.

Maxamed Cabdullaahi oo loo yaqaan Qarash ayaa Radio Muqdisho uga sheekeeyay sababta sanad walba keenta in xiligan tuugada usoo bataan waxa uuna yiri” Wadankan aan ku nool nahay ee Uganda waa dad aqlabiyadiisa u badan yihiin Karishtan,marka la gaaro bisha Disembar ee u dambeysa sanadka 25-teeda ,waxa ay u dabaal dagaan Christmas day dalkuna fasax rasmi ah ayuu galaa, sidaa daraateed waxaa bata dhac iyo tuugada wadooyinka istaagta”. ayuu yiri Qarash

Qarash ayaa intaa ku daray in meelaha sida gaarka ah tuugada u beegsato ay ka mid tahay xaafadda Soomaalida degto ee Kenseye ee ku taala bartamaha magaalada Kampala.

Gudoomiyaha Ururka Somali Community  in Uganda Siid-axmed Sheekh Muuse oo isagana la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in amaanka xaafadda Soomaalida la adkeeyay hasayeeshee ay wali socdaan dhacdooyinka dhaca ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan shirar wacyi galin ah oo ay wadaan Jaaliyadda Soomaalida si falalka soo noqnoqday loogu hortago iyadoo la kaashanayo Booliska dalka Uganda si gaarana xooga loo saari doono xaafadda Soomaalida u badan tahay ee Kensenya.

Dalka Uganda ayaa la sheegaayaa in si guud ahaan ay ku nool yihiin Soomaali kor u dhaafaysa 20 kun oo isugu jira qaxoonti iyo ganacsato dagan dalkan, Soomaalida ayaana ku haysta xuriyad wanaagsan oo isku socodka gudaha dalka ah iyo mid ganacsi intaba, iyagoo aan muwaadinka Soomaaliyeed wadooyinka lagu waydiin sharcigooda sida dalalka qaar ka jirta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...