Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa abaal marinta Minerva Prize lagu guddoonsiiyay Magaalada Rooma ee Caasimadda Dalka Talyaaniga.
Abaal marintan ayaa Labadii Sanaba mar waxaa la guddoonsiiyaa Haweenka ugu fir-fircoon Dunida, kuwaasi oo muujiya waxqabad saamayn wanaagsan ku yeesha Dalkooda ama Adduunka, isla markaana tusaale u noqda Dumarka kale ee Caalamka.
Wasiir Fawziyo Abiikar, ayaa Abaal marintan ku muteysatay waxqabad la taaban karo oo ay muujisay intii ay haysay xilka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.