Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Iyo Istaraatiijiyadda Qaran Ee Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda

Date:

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda Post-da, isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.

Istaraatiijiyadda iyo siyaasadda Qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo loo dejiyay shanta sano ee soo socota (2020-2024), ayaa loo qorsheeyay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka oo ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan oo isugu jira dawladda, shirkadaha, hay’adaha ka shaqeeya horumarinta iyo cid kasta oo ay khuseyso.

Shirka golaha guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu ansixiyay dib ugu biiritaanka Soomaaliya ee ururka la dagaallanka Ayaxa ee waddamada Bariga Afrika.

Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo taabaneysa dhinacyada kala duwan ee lagu horumarin karo teknolojiyada, sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, ganacsiga iyo adeegyada kale ee dawladda, ayaa fulinteeda waxaa ka qeyb gelaya wasaaradaha ay khuseyso ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...