Duqa Muqdisho iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Amniga iyo Doorashooyinka

Date:

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, Doorashooyinka la qorshaynayo inay dalka ka dhacaan iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxeysa Midowga Afrika iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Cumar Filish ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay diiradda wada saaraan sidii iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen amniga iyo sidii doorashooyin uga qabsoomi lahaayeen Caasimadda dalka, si talada dib loogu celiyo shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay sameynayaan Xafiis amni oo labada dhinac xiriiriya, isla markaana mideeya qorsheyaasha uga dagsan amniga Caasimadda, isagoo xusay maamulkiisu inuu xoogga saarayo amniga in loo wajaho qorshe mida.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii qorshe mideysan loogu wajihi lahaa amniga, anagoo kaashanayna dhinacyada bahwadaaga ku ah ammaanka, lana diyaariyo sidii shacabka Caasimadda talada loogu celin lahaa, maadaama dalka looga diyaar garoobayo doorashooyin”.

Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta Caasimadda, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan barnaamijyada uu wado Maamulka Gobolka ee ku aaddan amniga iyo doorashooyinka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar M.M. Filish iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Medara ayaa xaqiijiyey dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...