Xoghayihii Joogtada Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Xilka Wareejiyay

Date:

Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta xilkii Xoghayanimo wareejiyay, kadib markii golaha Wasiiradu ay baabi’iyeen booska Xoyghayaha joogtada ee Wasaaradaha Xukuumadda laguna qaatay nidaamka Agaasimayaasha guud.

Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda arrimaha gudaha, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xasan (Azhari) oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa u mahadceliyay Shaqaalaha Wasaaradda,isagoo sheegay in ay kaalin weyn kaga jiraan howlaha ay bulshada u heyso Wasaaradu.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu xilkaan wareejiyo,isagoo tilmaamay mudadii labada sanno eheed oo uu xilka hayay inuu wax badan soo qabtay, waline ay shaqa badan dhimantahay.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa goobjoog ka ahaa shaqaalaha Wasaaradda, Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...